Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Date:

Riyadh-(SNTV)-Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Mudane, Axmed Ciise Cawed, ayaa Maanta oo Arbaca ah kulan kula qaatay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud.

Shirka ayaa looga hadlay ,sidii loo adkayn lahaa xiriirka Labada Dowladood, adkaynta ammaanka Gobolka Geeska Afrika, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay  Soomaaliya u horreyso.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kulan la qaatay Wasiirrrada arrimaha dibedda ee Dalalka Masar, Jabuti, Suudaan iyo Yemen, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...