Muddo labo maalmood ah oo uu soconayo tababarkan ku saabsan ka hortagista dambiyada abaabulan ee isaga gudba Xuduudaha ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,Ciidanka Boliiska, Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo shirkadaha ka shaqeya arrimaha Duulimaadyada waxa ay ku baranayaan sida dambiyada abuubulan wax looga qaban karo iyadoo dhincyada ay quseyso ay sameynayaan iskaashi iyo wada shaqeyn.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornel Maxamed Aadan Koofi ayaa ka sheegay furitaanka tababarkan in dambiyada abaabulan ka hortagistooda ay muhiim u tahay jiritaanka qaranimada iyo dowladnimada isagoo xusay in hadaba ay jiraan talaabooyin dambiyadaas lagu xakameynayo oo hore loo qaaday.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Boolisku xooga saarayaan wax ka qabashada dambiyada abaabulan oo dhib weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in xal u helista dambiyadan marwalba ay ku xiran sida loo dhameystiro sharciyada lagu xakameynayo falalka dambiyada Abaabulan ah, wuxuuna ugu baaqay Xukuumada iyo Barlamanka inay dadajiyaan meel marinta sharciyadaas.
Waaiirka Amniga Gudaha Gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo furay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan dhaqangalinta waxyaabaha ay bartaan iyo islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh.
Dambiyada abaabulan ee ee isaga gudba xuduudaha iyo Airaporada oo Soomaaliya inta badan ka dhaca ayaa waxaa kamid ah Tahriibinta, ka ganacsiga maandooriyaasha, lacagta la dhaqo, waxaana Dowladda Federaalka ah ay wadaa dadaalo lagu xakameynayo falalkaasi dambiyada abaabulan ah.