Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Qado Sharaf u sameeyay Guddiyada Dib-u-eegsita Dastuurka Iyo Wasiirka Dastuurka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoygiisa qado ugu sameeyay guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, ayaa ra’iisul wasaaare Xasan Cali Khayre uga warbixiyay halka ay marayso hawosha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiirka arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in shanta cusutub ee ugu horraysa dastuurka lagu sameeyay dib-u-eegis afarta cutub ee ku xigtana dib-u-eegistooda lasoo gebagebaynayo bishaan gudaheeda taas oo ka dhigan in 75% dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, uuna rajaynayo in horraanta sannadka 2019 la gebagebaynayo guud ahaan dib u eegista farsamo ee dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka, u sheegay in hawla badan oo qaranka muhiim u ah ay ku xiranyihiin qabya-tirka dastuurka, sidaa darteed baahi wayn loo qabo in guddiyadu ay laba jibbaaraan dadar-gelinnta gudashada waajibaadka saaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...