Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A. Khayaat.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Horumarinta.

Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha horumarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageero dhinacyada horumarinta,nabada iyo waliba kabidda miisaaniyadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...