Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Shabeellada hoose, sida ay hay’adda NISA ku daabacday boggeeda Twitter-ka.
Howl-galka oo si taxaddar leh ugu dhacay Xafiiska Xizbada Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Sabiid Caanoole , ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Saanad Ciidan iyo walxaha qarxa.
Qoraalkan ayaa lagu yiri, muhiimadda koobaad ee Ciidanka amniga waa ka hortagga Kooxda Al-shabab iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.