Taliyaha CXD oo ka Tacsiyadeeyay geerida Saraakiishii iyo Askartii ku shahiiday qaraxii ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane

Date:

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen general Cumar dheere oo ahaa Taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo maanta ku shahiiday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Ciidanka Xoogga Dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”ayuu yiri  S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al-shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida Saraakiishaani aysan niyad jabin doonin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona Tilmaamay Mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan Howlgalka Dalka.looga xureynayo Cadowga Al-shabaab.

Dhanka kale Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo  Dhammaan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelada ay ka shahiideen Saraakiisha iyo Askarta kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuumiintii shahiiday maanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...