Kenyatta oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee Soomaaliya

Date:

Nairobi (SNTV)-Madaxweynaha Dawladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mudane Tarsan oo dhowaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Danjiraha cusub  ee dawladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalka Kenya ayaa isla maanta la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad lagu qabtay magaaladda Nairobi.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho iyo sidoo kale  la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...