Howlgal qorsheysan oo lagu Burburiyay Xarun lagu diyaarinayay Walxaha Qarxa iyo Maleeshiyaad lagu Khaarijiyay

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga ayaa Howlgal qorsheysan oo looga hortgayo Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab ka fuliyay tuulada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab oo diyaarinayay Qaraxyo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

“Howlgal ciidanka Amnigu xalay ka fuliyay xarun ay Alshabab ku lahayd tuulada Awdheegle, ayaa lagu soo qabtay walxaha qarxa oo loo diyaariyay in lagu dhibaateeyo shacabka. Ciidanka Amniga ayaa naftooda u hura badbaadada shacabka”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Howlgalkaasi la fuliyay xalay saqdii dhexe lagu khaarijiyay Dhagar qabayaashii halkaasi ku diyaarinayay qaraxyo ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgal qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Awdheegle, waxaana xarunta lala beegsaday Weerarkaasi Argagaxisada ay ku diyaarinayeen Walxaha qarxa, waana la burburiyay guud ahaan goobtii howlgalka qorsheysan lagu qaaday si guul ayuu kusoo dhamaaday, Maleeshiyaad badan ayaana goobta lagu laayay”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo lagu ciribtirayo Al shabaab ay ka socdaan Deegaanada Lambar 60 iyo Buufow oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, iyadoo ay Ciidamada ku guuleysteen in Maleeshiyaadka ay kasoo saaraan Wadada dhanka Xeebta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...