Maleeshiyaadka Alshabaab oo isaga cararay deegaano dhowr iyo Diyaarado Dagaal oo dul heehaabaya

Date:

Wararka naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ay isaga carareen kadib Diyaarado Joog hoose ku socda oo Howgalo ka fulinaya deegaanadaasi.

Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooleey iyo Ceel-qooxle oo Dhanka Koofur-bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Dadka Deegaanka waxay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in diyaarado ku socda jooga hoose ay Shacabka arkayaan, iyagoo ay muuqdaan Ciidamada saaran waxayna Mararka qaar ku soo dhowaanayaan Dhulka.

Nabad diidka Al shabaab oo deeganaadaasi ku dhuumaaleysanayay ayaa isaga baxay iyagoo ka cabsi qaba inay duqeeyaan diyaaradaha ay leeyihiin Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya oo qeyb ka ah Howlgalada lagu dabar jarayo Argagaxisada baneysatay dhiigga Shacabka.

Dadka rayidka ayaa sheegaya in baqdinta Al shabaab ay gaartay inay ku amraan Shacabka in aysan usoo dhawaan Saldhigyada ay kaga sugnaayeen deegaanadaasi, iyagoona hore Bulshada kaga mamnuucay Isticmaalka Taleefoonada Smartphones-ka ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay Duqeymo ku laayeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna bilaabeen Nabad diidka inay ka baxaan Tuulooyinka Shacabku ku badan yihiin, iyagoo Howdka ku cararaya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa shalay sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka saareen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoona xusay in Ciidamo badan Tababaro loo soo gaba gabeeyay isla markaana la qalabeeyay ayna diyaar u yihiin inay Dalka ka xureeyaan Argagaxisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...