Siihayaha Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo kormeeray xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay

Date:

Muqdisho December 3 (SNTV);-Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer ku tagay  xarunta sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihii adkee ee dalka uu soo maray,waxaa maalgeliyay mashruucaan Bankiga Horumarinta Afrika oo u soo marsiisay Hay’adda  IOM.

Wasiir Cismaan Libaax Ibraahin ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’antahay dar dargelinta hirgelinta Wakaalada biyaha ee Muqdisho si Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda iyo nawaaxigeed ay u helaan biyo nadiif ah

“Wasaaradda waxaa ka go’an in la dar dargeliyo dhismaha wakaaladda biyaha sida xarunta sheybaarka iyo macahadKa tababarada iyo korontada waxaana naga saacidaya bankiga horumarinta Afrika, iaydoo ay fulineyso hay’adda IOM-ta ” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan dib udhis lagu saameeyo dhismaha Wakaaladda  biyaha iyo Macahadka tababarada biyaha iyo korontada oo iyaguna ka muuqdo Bur-bur xoog leh, waxaana qorshahu yahay in wasaaradda ay ku shaqeyso.

“Dhismaha wakaaladda biyaha dhawaan ayaa la bilaabayaa sida qorshuhu yahay, waxaana ugu talagalnay in wasaaradda ay ku shaqeyso, islamarkaanaa ra’isulwaasaraha Xukumadda uu xariga ka jaro, waxaan ay wax badan ka qaban doontaa in Biyo nadiif ah ay helaan bulshada ku nool caasimadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Marka laga yimaado dhismahan waxaa u dhiman in la qalabeeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhawaan uu xariga ka jaro Ra’isulwasaarada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,waxaana wax badan ay ka tari doontaa dib u howlgelinta Xarunta in bulshda ku nool Caasimadda ay helaan biyo nadiif.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xamarjajab,Waabari iyo Cabdicasii oo saakay ay kasocoto diiwaangelinta codbixiyaasha

Degmooyinka Xamarjajab,waabari iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxaa saakay...

Wasiirka Maaliyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Washington

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka...

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...