Ciidanka Xoogga Dalka oo soo saaray Miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib-marko

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii Dambe Howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan Miinooyin nabad-diidka Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo JilibMarko.

Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Malleeyshiyaadka nabad-diidka Al-Shabaab iyo horjogayaal.

Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal, Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Xoogga Dalka halkaasi ka fuliyeen ay kusoo saareen Miinoyin ay nabad-diidku ku aaseen Waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan.

Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in nabad-diidka Al-shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen cadowga Al-shabaab.

Dhawaan degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan ku dhiirri geliyay inay sii Laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sidii ay Dalka ugu xoreyn lahaayeen haraadiga Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...