Shirkan oo ay soo qaban qabisay wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka dalka ayaa waxaa looga hadalay Adeega kaalmada Sharciga , iyadoo ay ka qayb galeen Xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka.
wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka dalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Shirkaan maanta uu furay Xubno ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka, waxaa uu kula dar daarmay in ay si hufan uga doodaan qodobada muhiimka ah ee horyaala isla markaana laga soo saaro dood muhiim u ah garsoorka wasaaraduna ay dhageysan doonto.
“Shirkaan aan bishiiba mar iskugu imaano waxaa looga hadlaa kaalmada sharciga waxaad halkaan u joogtaan inaad ka doodaan barnaamijkaas iyo tayeynta guud ahaan hay’adaha cadaaladda dalka wasaaradu waxaa ay dhageysan doontaa doodaha aad keentaan” ayuu yiri Mr Xasan.
Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka cadaaladda XFS waxaa uu sheegay in wasaaradu diyaarisay Sharciga adeega kaalma sharciyeedka oo uu hadda marayo heer gaba gaba ah isla markaana dhawaan la horgeyn doono Xukuumadda ka dibna Baarlamaanka.
“Waxaan la diyaariyay qabyo qoraalka sharciga Kaalamada Shariga waxaa uu hadda ku jiraa wada tashi wasaaradda ayaa diyaarisay waxaan horgeyn doonaa golaha wasiirada ka dibna golaha Baarlamaanka ujeedka laga leeyahay waa in qof walba helo xuquuq sharciyeed”ayuu yiri Wasiirka.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalku waxaa ay dhawaanahaanba ku howlaneed sidii loo hormari lahaa adeegyada garsoorka ee ay bulshadu u baahan tahay iyo shirkaani uu qayb ka yahay wada tashiyada barnaamijkaas lagu hormarinayo.