Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo la kulmay Saraakiisha ugu sareysa Maxkamada Ciidamada

Date:

Muqdisho (SNTV):- Waxaa Xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Garsoorka, Awqaafta Arimaha Diinta ee Golaha shacabka iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gen: Liibaan Cali Yarow ,Guddoomiyaha Darajada Koowaad Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Xeer Ilaaliyaha  Ciidamada .

Waxay ka wada hadleen sidoo loo xoojin laha wada shaqeynta Guddiga iyo Maxkamada iyo Horumarinta Garsoorka si loo gaaro Cadaalad, waxey kaloo uga mahadceliyeen Maxkamada sida ay gudaneyso Waajibaakeeda Qaran ee Dastuuriga ah.

Dhanka kale, Guddiga Gaadiidka Wadooyinka Dekadaha iyo Garoomada ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Xeerka Duulista Rayidka & Saadaasha Hawada Waxaana goobjoog ahaa inta badan Xubnaha Guddiga.

Guddiga ayaa falanqeeyey Xeerkan oo Soo Maray Akhrinta 1aad, Waxayna ka yeesheen dood dheer siday ugu sameeyaan wax-kabedelid iyo wax ku-daris maadaama sharcigan oo aad muhiim ugu yahay dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...