Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho ka furmay

Date:

Muqdisho (SNTV) Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn.

Masuuliyiintii furitaanka shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Agaasimaha Madaxtooyada ee Arrimaha Naafada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Hogaamiyayaasha Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.

Gudoomiye Xaliima Ismaaciil ayaa sheegtay in Gudigga Doorashooyinka uu u hogaansamayo Dastuurka iyo shuruucda doorashada ee qeexaya u dhamaanshaha siyaasaadda iyo doorashooyinka si doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhacdo iyada oo maanka lagu heynayo ka qaybgalka doorashada ee dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.

Wasiir Deeqa Yaasiin oo khudbad ka jeedisay furitaankii shirka ayaa tilmaamtay muhiimadda uu leeyahay Cutubka labaad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya Xuquuqda Aadanaha, iyada oo ku tilmaamtay in uu yahay cutubka ugu muhiimsan ee Dastuurka. Wasiirada waxa ay sheegtay in Wasaaradeeda ay ka go’antahay inay si dhow u la shaqeeyso Wasaardda Arrimaha Dastuurka si loo sugo xuquuqda Aadanaha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo furay shirka ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkan oo aan muddo soo qaban-qaabinaynay uu maanta inoo bilaabmo, waxaan rajeynayaa talooyin miro dhal ah oo xoojinaya Xuquuda Aadanaha in aan soo saari doonno. Wasaaradda Dastuurka waxaa ka go’an inay dedaal ku bixiso in la dhowro Xuquuqda Aadanaha, waxaana idinka codsanayaa inaad arintan muhiimka ah nala garab gashaan”.

Ugu dambayn, waxaa shirka laga soo saari doonaa Talooyin iyo Baaq ku aadan sidii Dastuurka dhexdiisa loogu sugi lahaa Xuquuqda dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Heysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud...

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu...