Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay

Date:

Muqdisho (SNTV);- Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir qodobo muhiim ah looga hadlay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxaana inta badan diirada lagu saaray dhowr qodob oo uu ka mid ahaa diyaarinta ajendaha fadhiga guud ee golaha.

Kullanka Guddiga joogtada ah markii uu soo gaba-gaboobay ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii kullanka looga hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed jaamac.

Xoghaye Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in maalinta isniinta ee soo socota golahu fadhi yeelan doonaan,kaasi oo looga doodi doono aqrinta labaadee hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dardar gelinaya howlaha muhiimka ah ee horyaala,waxayna dhowr maalin ka kulmaan isbuuca si ay uga arrinsadaan howlaha aqalka sare iyo diyaarinta fadhiyada,iyagoo maalmaha qaar soo saara go’aamo ka hadlaya marxaladda dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...