Guddiga Dib u eegista Dastuurka BFS oo 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka wareejiyay si looga soo shaqeeyo

Date:

Muqdisho (SNTV):- Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya cutubyada uu ku wareejiyey Gudiga Madaxa banmaan ee Dastuurka waxa ay yihiin ilaa 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka, si ay uga soo shaqeeyaan.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid,Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in labadan guddi ay ka dhaxeyso wada shaqayn ayna diyaarsadeen qorshe howleed ay ku dhammeystirayaan dib u eegista Dastuurka

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Muumino Sheikh Cumar ayaa dhankeeda sheegtay in 4-tan cutub ay ka soo shaqeyn doonaan, dibna ay ugu soo celin doonaan guddiga si bulshada loogu soo bandhigo

Horay ayaa labadan guddiga uga soo shaqeeyeen cutubyo ka mid ah Dastuurka, waxaana qodobada quseeya arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo awood qaybsiga ku wareejiyeen madaxda Dawladda dhexe iyo Dawlad goboleedyada si ay go’aan uga gaaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...