Howlgal Lagu Dilay 7 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay khasaaro badan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyay Gobalka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al Shabaab lagu laayay howlgalkaankaas ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Sidaad ogtihiin shalay waxaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka Howlgal qorsheysan kaas oo ciidanku qaadeen Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab halkaas waxaa lagu dilay 7 kamid ah Maleeshiyada kuwo kalena dhawaac ayaa loogu geystay” sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Saaxiibadooda Caalamka ayaa Howlgallo Lagu baacsanayo Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed kawada Gobolada Dalka,iyagoo khaarajiya Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad  ka tirsanaa kooxdan Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...