Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Is-xilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV):-Hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo uu hoggaaminayo wasiir dawlaha xafiiska ayaa maanta ka qayb qaatay barnaaminka is-xilqaan ee lagu dhisayo Xarunta Murtida iyo Wacyi-gelinta.

Hawl-wadeennada oo uu ka muuqday diyaar garow xooggan ayaa gaaray Tiyaatarka iyaga oo kadibna guda galay qabashada shaqada dib u dhiska ah ee ka socota.

Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale maareeyaya Xarunta murtida iyo wacyi-gelinta, Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure, ku wareejiyay 300 oo Kiish oo Shamiito ah oo shaqaalaha xafiisku ay ku tabaruceen dhismaha Tiyaaratarka

Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure ayaa shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay shamiitada ay ugu deeqeen dhismaha xarunta murtida iyo wacyi-gelinta oo lagu dhisayo barnaaminka Is-xilqaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...