Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay wax ka bedelka sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Date:

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay wax ka bedelka hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Hindise sharciyeedkan ayaa soo maray heerar kala duwan sida aqrinta 1-aad, aqrinta 2-aad, iyo aqrinta 3-aad.

Inta uu maraayay heerarkaas ayaa xildhibaanada waxay ku dareen talooyinkooda iyo soo jeedino la xiriira meelaha in laga bedelo u baahan xeerkan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in maalinta sabtida cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaan walbo uu fursad u heysto inuu talooyinkiisa uu ku biiriyo.

“Codeynta sharcigaan waxa ay dhaceysaa maalinta Sabtida xildhibaan walba waxa laga codsanaya inuu isku soo diyaariyo maadaama maanta aysan fadhin kooramkii lagu codeyn lahaa, xildhibaankii doonaya inuu wax ku daro fursad ayuu heystaa”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...