Wasiir Beyle oo shirguddoomiyeyay kulanka todobaad laha ah ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya “SMP3”

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta guddoomiyeyay kullanka todobaad laha ah ee Barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ee SMP3.

“Maanta waxaan shir gudoomiyay kulanka Todobaad laha ah ee  SMP3, Waxaan diiradda Ku saarnay howlaha na horyaala iyo u diyaar garowga arimaha SMP3 nagala doonaya in aan fulino,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diyaargarow ugu jirta ka qeyb galka shir Dowladda Soomaaliya,Hay’adda IMF iyo Banka aduunka ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Hay’adda lacagta aduunka (IMF) ayaa Dowladda Soomaaliya ku ammaantay hufnaanta iyo daah-furnaanta maaliyadeed ee ay ku tallaabsatay sanadihii  ugu danbeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...