Madaxweyne dalka oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga

Date:

 SNTV:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah.

Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...