Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galgaduud oo Alshabaab kala wareegay deegaano hor leh

Date:

Dhuusamareeb (SNTV)- Ciidamada Xooggaa Dalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegayย  Deegaanka Gool-goole oo qiyaastii 85Kmย  Koofur ka xiga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaya ayaa waxa ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in Dagaal kooban uu Halkaasi ka dhacay ka dib Maleeshiyaadku isku dayeen inay Deegaanka dib ugu soo laabtaan.

Wararka aynu hada ka helayno Deegaandaas ayaana waxa ay sheegayaan in Ciidamadu Kooxihii Al-shabaab ee Dadka dhibaatayn jiray ay sii baacsanayaan waxa ayna Al-shabaab isaga baxeen Deegaano hor leh maadaama Ciidamada Xoogga Dalku ku sii wajahan yihiin.

Howlgaladaan ay iska kaashanayaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa la doonayaa in Maleeshiyaadka looga xoreeyo Meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka.

Dadka Deeganadaas ayaa waxa ay Ciidamada ka caawinayaan sidii ay u soo sheegi lahaayeen Meelaha Nabadiidka Al-shabaab ay ku dhuumaalaysanayaan waana mida fududaysay in Saaka lagala wareego Deegaanoย hor leh.

By: Maxamed Cabdi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii shirkii Baarlamaannada (๐„๐€๐‚)

Muqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xasan Macalin...

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada JFS Amb. Khadija...