Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo xilalka la wareegay

Date:

Muqdisho, November, 15, 2018:– Xarunta wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay munaasabad xilalka ay kula wareegayaan agaasimaha xiriirka maamul goboleedyada iyo  hay’addaha iyo agasimaha horumarinta macalimiinta wasaaradda waxbarashada.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS Xasan Maxamed Cali ayaa goob joog  ka ahaa.

Cabdi Nuur Axmed Jaamac agaasimaha xiriika maamul goboleedyada iyo hay’adaha  ayaa xilka kala wareegay  Ismaaciil Maxmed Cali , Axmed Muuse Xoosh agaasimaha horumarinta macalimiinta  ayaa xilka kala wareegay Hibo kaamil.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay agaasimayaasha xilka lawareegay in ay si daacad ah  u gutan waajibaadka loo igmaday.

“Maanta waxaad lawareegteen waajibaad culus oo ubaahan kaf akar iyo in aad howlaha aad masuulka katihiin aad u qabataan si dacadnimo ku jirto waxaan rajeynaa in agaasimayaashii idinka horey sidey wax u qaban jireen inaad u qabataan”ayuu  yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali.

Agaasimayaasha cusub ee maanta xilka la wareegay ayaa ballan qaaday inay ka soo dhalaali doonaan howsha loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...