Tartan Orod ah oo lagu xusayo Maalinta Macaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV) Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta ku qabatay Magaalada Muqdisho Tartan Orod ah oo lagu xusayo Maalinta Cudurka Macaanka Adduunka, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed “Tuulax” iyo Masuuliyiin kale.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Max’ed Cadaw ayaa sheegay in Xanuunka Macaanka uu yahay mid saaxiib laga dhigan karo Balse loo baahan yahay in Jimicsi joogta la sameeyo.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay waxqabadka Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Ee Xamar, iyadoo sheegtay inay muhiim tahay in Bulshada qeybaheeda kala duwan loo qabto tartamo sidan oo kale ah.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed “Tuulax” ayaa sheegay in Tartankan uu dhiira galin u yahay dadka qaba Cudurka Macaanka.

“Waxaan saaka aroortii muqdisho ku qabanay tartan orad ah oo lagu xusayay maalinta Sonkorta ama Macaanka aduunka si aan u dhiirigelino dadka cudurkaas qaba una tusno in Isportisku uu caafimaad yahay magaalada muqdishana tahay magaalo lagu qaban karo tartamo kala duwan oo caalami ah”.ayuu yiri Mohamed Abdullaahi Tuulah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...