Wasiirka Waxbarashada iyo madaxa hay’adda DFID oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

 

Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxaana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradda Waxbarashada way ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka”.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo Waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’ado caalami ah si loo horumariyo Waxbarashada Dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...