Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Shaqaallaha Wasaaradda oo ka qeyb galay Barnaamijka Is-xilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo ay weheliyaan wasiir ku-xiggeenka, wasiiru dowlaha, agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa maanta ka qeyb galay barnaamijka Is-xilqaan oo ka socda Tiyaatarka Qaranka iyo Maktabada Qaranka.

Ololahaan maantaย  ay ka qeyb galeen madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa lagu dhisaya xarumaha danta guud ee dalka.

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada XFS, Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle jaabirย  ayaaย  u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo iska lahaa hal abuurka barnaamijkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda XFS, Mudane Cabdulaahi Goodax Barre oo ka qeyb galayย  barnaamijka Is-xilqaan ee lagu dhisayo Golaha Murtida iyo Wacyi gelinta iyo Maktabadda Qaranka ayaa sheegay in ay muuqato ahmiyadda uu leeyahay barnaamijka Is-Xilqaan oo ay ku baaqeen Madaxweynaha JFS ย iyo Raโ€™iisul Wasaaraha XFS.

โ€œMaanta waxaan ka qeyb galay barnaamijka is xilqaan oo ka socda tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda qaranka ee magaalada Muqdisho, ololahan waxaa igu wehelinayayย  wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, wasiirul dowlaha, agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda, barnaamijkan is xilqaan waa mid ahmiyad weyn u leh dalka, isxil qaan meelaha maantaย  shaqada laga qabanaayo waa meelo sigaar ah qiimo ugu fadhiya bahda waxbarashada waxanaย  muhiimย  ah in bartimaameedka laga dhigto meelaha bulshadu ay ka toosto,โ€ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay kaย  goโ€™an tahay inay door muuqda ay ka qaatan horumarinta dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...