R/wasaare kuxigeenka Dalka oo Daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay Daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xiligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo Wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha Dhaqaalaha loogana gudbo Waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka Dhaqaalaha Dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka ayaa furiaanka shirkan ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay isku tashi.

Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa si gaara diiradda u saareysa Qodobo ay ka mid yihiin Kobaca Dhaqaalaha, Hanaanka loo hirgalin karo, Maalgahshiga dalka, La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...