Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

Date:

Muqdisho (SNTV);- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

“ Waxaan magaca golaha shacabka baaq ugu soo jeedinayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale oo ay colaad ka soo cusboonaatay oo dhex martay beelo walaalo ah, waxaan beelahaas usoo jeedineynaa in si deg deg ah nabadda ku qaataan oo ay heshiiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Guddoomiye Mahad ayaa xukuumadda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo.

“ Waxaan usoo jeedineynaa xukuumadda iyo maamulada kale ee degaankaas ka jira in beelaha dirirtu ka dhaxeyso gurmad deg deg ah loo diro, colaadana la joojiyo”. ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...