Ciidamada Ammaanka oo toogtay maleeshiyadkii weeraray Hotel Saxafi

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidamad Ammaanka ayaa ku guuleystay inay toogtaan dhagarqabayaashii weeraka soo qaaday  ee doonayay inay galaan gudaha Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay wadada hor marta Hotel Saxafi, halkaasi oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 10 ruux oo shaca ah, kuwaasi oo qaarkood marayay wadada halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

Maleeshiyaadka ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa markii ay qaraxyada dhaceen kaddib isku dayay inay gudaha u galaan Hotel Saxafi balse ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...