Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka

Date:

Muqdisho November 6 (SNTV);-Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).

Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen Barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.

” Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxa soo jeedineynaa hadaan nahay World Bank in laga faa’iideysto fursaha banaan oo wax badan oo dadaal ah la sameeyo, anaguna mar walbo wa idiin garab taaganahay”. ayuu yiri Hugh Riddell oo ka socday Bankiga aduunka.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay.

Sidoo kale waxa ay la wadaageen waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan golaha shacabka.

“ Xubnaha ka socday Bankiga aduunka wax badan ayaa maanta kawada hadalnay, waxan ka codsanay iney mar walbo noo soo gudbiyaan warbixinada muhiimka ah si aanula jaanqaadno caalamka dhaqaalaha dalkana uu usii hormaro, waxay noo balan qaadeen iney wax badan naga caawin doonaan”. ayuu yiri guddoomiye Cali.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursiga HOP058 ee BJFS

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Juun 2025, waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo casho sharaf u sameeyay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee...