Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka

Date:

Muqdisho November 6 (SNTV);-Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).

Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen Barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.

” Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxa soo jeedineynaa hadaan nahay World Bank in laga faa’iideysto fursaha banaan oo wax badan oo dadaal ah la sameeyo, anaguna mar walbo wa idiin garab taaganahay”. ayuu yiri Hugh Riddell oo ka socday Bankiga aduunka.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay.

Sidoo kale waxa ay la wadaageen waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan golaha shacabka.

“ Xubnaha ka socday Bankiga aduunka wax badan ayaa maanta kawada hadalnay, waxan ka codsanay iney mar walbo noo soo gudbiyaan warbixinada muhiimka ah si aanula jaanqaadno caalamka dhaqaalaha dalkana uu usii hormaro, waxay noo balan qaadeen iney wax badan naga caawin doonaan”. ayuu yiri guddoomiye Cali.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...