Wafdi Heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga oo Berri Muqdisho kusoo wajahan

Date:

Muqdisho November 6 (SNTV);-Sida ay Wakaaladda SONNA u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda waxaa maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...