Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Ee Dar-Dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka Oo La Soo Gebagebeeyay

Date:

Muqdisho (SNTV) Golaha wasiirrada oo mudda laba maalin ah uu Muqdisho uga socday kulan sannadeedka dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda, dar-rar gelinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta amniga caasimadda, in dhaqankii qaldanaa lagu bedelo dhaqan ku salaysan run isu-sheegid, in si hufan loo ilaaliyo amaanada ummadda iyo in la xoojiyo isla xisaabtanka.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo eego hal-beegyada siyaasadda loo dhanyahay oo xoogga la saaro dhamaystirka dastuurka, meel marinta sharciyada muhiimka u ah hannaanka awoodda loogu celinayo gacanta ummadda Soomaaliyeed si ay doortaan hoggaanka ay xaqa u leeyihiin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali, oo khudbad kooban ka jeediyay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta fursadda u helay in lagu aamino masiirka ummadda Soomaaliyeed, laga doonayo in ay uga soo baxaan mas’uuliyadda sidii loogu aaminay oo ay ka shaqeeyaan danta ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku boorriyay wasiirrada in ay dhaqan geliyaan qodobadii kasoo baxay shir sannadeedka si loo gaaro hiigsaga ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...