Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka ayaa lix maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay tiro kale oo badan ku dhaawacay deegaanka araara oo ku dhow degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mukhtar Cabdi Maxamed, oo ah Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ciidamada huwanta guul wax ku ool ah ay ka gaareen howlgal ka dhan ah aragagixisada Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga ay axadii fuliyeen.

“Lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa ku dhintay, qaar kalena wey ku dhaawacmeen aagga Araara, ciidamada SNA iyo kuwa ciidamada Jubbaland waxay la wareegeen 2 qori AK47 ah, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa nagula dagaalamay aagga, laakiin ciidamada isgarabsanaya wax khasaaro ah ma soo gaarin”, ayuu yiri Taliye Mukhtar Cabdi Maxamed.

Ciidamada isgarabsanaya ee Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa ku raad jooga kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Ciidamada Mareynkanka ayaa sabtidii la soo dhaafay afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay duqeyn ay deegaan ku dhow degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose ka fuliyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...