Miino Al-shabaab ay galiyeen Wadada xiriirisa Yoontooy iyo dalcadda Lug-Law oo la fashiliyey

Date:

Kismaayo (SNTV) Ciidmada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa fashiliyay miino ay al shabaab galiyeen wadada u dhaxeeyso Yoontooy iyo dalacadda Lug-Law, miinadaan ayaana al shabaab waxa ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan dadka rayidka ah ee isticimaalayay wadadaasi.

Afhayeenka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland Mudane Saciid Cabdi Daahir Joogsade oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidanka ay qabteen howla muhiim ah loona baahanyahay in la bad baadiyo shacabka Soomaaliyeed

Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka fashiliyay miinadaani ay abaal marin doonaan maadaama uu sheegay in ay qabteen howlo wanaagsan.

Mudooyinkaan danbe ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa waday dar-dar gelinta amaanka guud ee degaanada xorta ah ee Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...