Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adaha amniga ku wareejiyey 10 qof oo Lacago sharci darro ah ka qaadayay Barakacayaasha

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hay’adaha ammaanka ku wareejiyey 10 Qof oo si sharci darro ah Lacago uga qaadan jiray Qoysaska Barakacayaasha ah ee Caasimadda ku nool, si caddaaladda loo mariyo.

Shaqsiyaadkan ayaa si been abuur ah ugu sheegi jiray barakacayaasha inay bixiyaan Lacago, taas baddelkeedana ay siin doonaan Lacago dheeri, iyagoo iska-dhigaya hay’adaha gargaarka.

“Dadkani waxay iska dhigi jireen hey’adaha samafalka ee bixiya gargaarka, iyadoo kooxdan abaabulan ay Dadka ka qaadayeen Sawirro iyo buuxinta Liis ay ku qoran yihiin Magacyada Qoysaskooda, taas baddelkeedana ka qaadan jiray Lacago ay ugu yeeraan diiwaangelin ay ku helayaan gargaar kala duwan”. Ayuu yiri Af-hayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar.

Dadka Barakacayasha ah ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku soo wargeliyey dhacdadan, iyadoo 10 kamid ah kooxdan abaabulan Gacanta lagu soo dhigay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa uga digay shaqsiyaadka kale ee arrimahan ku howlan in aysan caddaaladda ka fakan doonin, haddii aysan ka waantoobin falalka ay ku dhacayaan Dadka masaakiinta ah.

“Waxaan u sheegaynaa cid walba oo arrimahan ku lug-leh in Caddaaladda aysan ka fakan doonin, Maamulka Gobolka Banaadir-na uu u taagan yahay ilaalinta Nafta iyo Maalka bulshada Caasimadda, gaar ahaan Dadka nugul”.

Laamaha ammaanka ayaa dhowr goor oo hore Gacanta ku dhigay Kooxo abaabulan oo Dadka barakacayaasha iyo kuwa Xaafadaha ku dhaqanba ku dhaca inay yihiin hay’ado gargaar sidaana ugu qaata Lacago diiwaan gelin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...