Maalinta Afrika oo laga xusay Dalka Kuwait

Date:

Kuweit City-(SNTV)-Munaasabad lagu weyneynayo Maalinta Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Kuweit City ee Caasimadda Dalka Kuweit.

Xafladda oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax ka socota Dowladda Kuwiat, Danjirayaasha Caalamka u fadhiya Dalka Kuwiat, Ururadda Adduunka iyo dhamaan Jaaliyadaha Dalalka Afrika ee ku nool Kuwait.

Ugu horeyn waxaa Munaasabadda loogu dabaal dagaayay Maalinta Afrika khudbad ka jeediyey Madaxda Danjirayaasha ee ku sugan Kuwait , kuwaas oo dhamaantood ku celceliyay in ay Afrika ku socoto Wadadda horumarka iyo Xallinta dhibaatada Afrika u gaarka ah, iyagoo tusaale u soo qaatay doorka Ciidamada Afrika ee ku sugan Dalka Soomaaliya iyo sida ay Gacanta u siiyaan Walaalahood SNA.

Dhanka kale, waxaa isla goobtaasi lagu qabtay bandhig dhaqameed ka tarjumaya hiddaha Waddamada Qaaradda Afrika, iyadoo Soomaaliyana ay doorkeeda ka cayaartay bandhig dhaqameedkaasi.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait, Abiib Muusa Faarax oo hor kacayay Madaxdii iyo marti sharaftii ka qayb qashay munaasabadda ayaa kormeer guud ku sameeyay bandhig dhaqameedkii ay sameeyeen Dowladahii kasoo qayb galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...