Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV):-Xilli dhawaan Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqaday Barnamajika Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumihii Wasaaradaha iyo Goobihii Khadiimiga ahaa ee ku burburay colaadihii dalka ka dhacay ayaa maanta waxaa Masuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlada Soomaaliya ay ka qeyb qaateen Howlaha dib loogu dhisayo Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa goobta ka sheegay in ay diyaar u yihiin kana dhabayn doonaan balanqaadkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inaan cidna laga sugin in ay dhisaan Xarumaha Dowlada ee loo baahan yahay in Dowlada oo kaashaneysa Shacabkeeda ay dhistaan goobaha burburka uu ka muuqdo oo ay kamid tahay Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha guud Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Somaaliya Prof: Maxamuud Maxamad Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Barnaamijka isxilqaan oo dowlada ay ku dhawaaqday.

“Waxa ay Dhismaha goobahan oo kale ay shaqa abuur u noqaneysaa Dhalinyaro badan oo hada shaqa la’aan ay dalka ku heysato hana la baneeyo goobaha Danta guud si iyana loo dhiso”.ayuu yiri Agasimaha Prof: Maxamuud

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in ay Wasaaradu diyaar u tahay ka mira dhalinta Barnaamijka is xil.qaan

“Waa arrin muujineyso in aan isku tashanay oo aan dhisaneyno dalkeena waana talaabo dhanka Horumarka loo qaaday in aan isku tashano oo aan dhisno dalkeena Wasaaradana diyaar ayay u tahay in ay Ololaha Isxilqaan ay ka qeyb qaadato”.ayuu yiri Mudane Xaamud.

Dhanka kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xarunta Tiyaatarka markii labaad soo gaarsiiyay Agabka dhismaha oo ka qayb qaadan doona dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka,Waxaana qalabkaasi kala wareegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ahna Isuduwaha shaqada Tiyaatarka ugana mahad celisay sida mar kasta uu Maamulka Gobalka u garab taagan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...