Culimada Soomaaliyeed oo baaq kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Sool

Date:

Muqdisho (SNTV)- Hay’adaha Culimada Soomaaliyeed oo ka kooban Majmaca Culimada iyo hay’adda Culimada iyo Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa Maanta bayaan kasoo saaray dagaalka ka socda degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Sheikh Maxamed Cabduqaadir Soomoow iyo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamullada Soomaaliland iyo Puntland ugu baaqay inay u istaagaan joojinta colaadda.

Sheekh Nuur Baarruud Gurxan, Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Culimada iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi Baarri oo ah Guddoomiyaha Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada laga dhaxli karo dagaal sokeeye.

Culimada ayaa xusay waxyaabaha laga dhaxli karo Adduun iyo Aakhiraba colaad iyo dagaal sokeeye oo laga aamuso iyo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara, waxayna wada jir u sheegeen in la qaboojiyo dirirta iyaguna ay goobta tegi doonaan.

Sheekh Cali wajiis oo ku hadlayay Codka Culimada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadshada xallinta colaadda ka aloosan degaanka Dhumay, wuxuuna soo jeediyay in la sameeyo gurmadyo dhan walba ah oo xaaladda lagu qaboojinayo.

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay baaq kan la mid ah ugu soo saartay dagaalka sokeeye ee ka soconaya degaanka Dhumay ee Koofurta Gobolka Sool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...