Siminaar laxiriira Hormarinta xirfadddah Gabdhaha ka shaqeeya Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ururka u dooda Xaquuqda Haweenka Saxafiyiinta  Soomaaliyeed ee (SOWJRA} Somali  women Joournalist’s rights Association ayaa dood la xariirta sida kor loogu qaadi karo xirfada Gabdhaha Saxafiyiinta  ah ee ka howla gala Warbaahinta gudaha ilaa in ka badan 20 Suxufi   ugu qabatay Magaaalada Muqdisho.

Dooda ay ka soo baxeen qodobo dhaxal gala ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Aqoonyahano tabarayaal dhanka Saxaafada ah ,qabiiro, Gudoomiyaha SOWJRA  Leyla Cadceed Osman iyo gudoomiye ku xigeenka  ururka  Naciimo Saciid Saalax iyo xubno kale.

Gabdhaha Suxufiyiinta oo kala socdeen qeybaha Warbaahinta ayaa soo bandhigay  in ay jiraan caqabado badan oo ku gadaaman gabdhaha Saxafiyiinta ah , sidoo kale waxa ay xuseen in ay jirto sinaan la’aan fursadaha tabaradda, shaqadda, ayagoo kaalin ku lahayn go’aan gaarista ama cod ku lahayn Warbaahinta Dhaxdeeda.

Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa intaa ku dareen in waqtigaan Warbaahinta ay sii noqonayso mid la jaan qaadaysa Tiknoolajiyadda  casriga ah sidaas darteed loo baahan yahay in  ay ayagana  la-jaan qadaan Horumarka dhanka Teknoolijidda ah ee Warbaahinta.

Gudoomiyaha Ururka u dooda xaquuqda  Haweenka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee (SOWJRA)  Leyla  Cadceed Osman ayaa sheegtay in dooda la xariirta sida kor loogu qaadi kro xirfadaha Gabahdaha Saxafiyiinta ah iyo sida ay u difaacan karaan xaquuqdooda Somali women Journalist’s rights (SOWJRA ) ay ka mid yihiin in kor loo qaado xirfadaha Haweenka Warbaahinta in loo oleeleyo xaquuqda gabdhaha, in laga hortogo xadgudubyada iyo in la aqoonsado kaalinta gabdhaha Suxufiyiinta.

Ugu dabeyb gabdhihii  Saxafiyiinta ahaa ee ka soo qeyb galay dooda aqoon is waydaarsiga ahayd ayaa uga mahad celiyeen Ururka (SOWJRA) dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u hormarin lahaayeen Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed isla markaan u heli lahaayeen Xuquuqda ay ku leeyihiin Warbaahinta..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...