Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Sool,ย isaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa golaha faah faahin ka siiyay wax ka bedelka uu kusoo sameeyay Hindise sharciyeeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,wuxuuna guddiga golaha uu ka codsaday inuu hindise sharciyeedkaan uu ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa talooyinkooda ku biiriyay hindise sharciyeedkaan, Waxaanaย Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda ku saabsan Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xigga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...