Guddoomiye ku-xigeenka M/Mulka G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

Date:

Muqdisho (SNTV):Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa uga qeyb galaya magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska Shirka Maayarada Caalamka oo sanadkaan lagu qabanaya Bristol.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta caasimadaha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose ee Caalamka.

Guddoomiye Xuseen ayaa inta uu ku sugan yahay Bristol waxa uu kulammo doceedyo la qaadan doonaa madaxda Caasimadaha ee ka soo qeyb galaya shirkan.

“Shirkani waa mid ahmiyad gaar ah noo leh, maadaama Caasimadda Muqdisho ay soo kabanayso xiligan una baahan tahay xiriir wanaagsan oo la yeelato Caasimadaha kale ee Caalamka”.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa khudbad ka jeedin doona shirka isagoo warbixin ka siin doona madaxda shirka ka soo qeyb gashay horumarrada kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir ka sameeyey Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...