Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

Date:

Muqdisho (SNTV) Ajendaha kulanka guud ee golaha shacabka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Hanti dhowraha oo uu golaha horkeenay guDdiga Maaliyada iyo Miisaaniyada ee golaha shacabka ,waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ay aragtiyadooda ka dhiibteen hindise sharciyeedkan,sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa gudiga suโ€™aalo ku aadan hindise sharciyeedkan wax ka weydiiyay.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gudiga Maaliyada ee golaha Shacabka ,waxa uu ka hadlay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu leeyahay,waxaana uu sheegay in hindise sharciyeedkan uu dalka muhiim u yahay islamarkaana ka gudi ahaan ay tix gelinayaan talooyinka Xildhibaanada.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaaย  faray gudiga maaliyada ee golaha shacabka in ay soo diyaayiraan Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan iyagoo kusoo daraaya talooyinka xildhibaanada ee akhrinta labaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...