Wasiirka Maaliyadda oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliy Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay Maanta, markii uu dhowaan booqasho howleed ku tagay Waddamada Indonesia iyo Britain.

Mudane, Beyle, ayaa sheegay inuu Indonesiya kaga qayb galayshirka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bankiga Adduunka, oo ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxeen, isagoo intaa raaciyay inay dhamaantood qireen in Soomaaliya ay Maaliyaddeedu hagaajisay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu casumaad rasmi ah ka helay Dowladda Ingiriiska, oo ay Madaxdooda qaabbilsan arrimaha horumarinta Afrika kala hadleen joogteynta taageerada dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu khudbado ku saabsan isbeddalka Maaliyadda Dalkeena ka jeediyay Machadka Diblumaasiyadda Caalamiga ah eeย  Chatham House iyo Jaamacadda University of Oxford ee Magaalada London.

Mudane, Beyle, ayaa Magaalada London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, wuxuuna ku boorriyay inay ka qayb qaataan dib u dhiska Dalka, maaddaama lagu guda jiro marxalad soo kabasho ah.

Dr, C/raxmaan Ducaale ayaa gaba-gabadii sheegay inuusan ka nasan doonin Shaqada horumarinta Maaliyadda Dalka illaa aan ka guuleysanno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...