Muqdisho (SNTV)- Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay ย ย ku dhintee ย ย ย dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayayay waddada Bacaacow ee ย degmada Afgoโe, halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweynย uu ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.
Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ย Labadii bishii kow iyo tobneed ee sanadkii tegay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ku xukuntay in ay bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uuย ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka ย Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum ย Xasan Abshir Warsameย 26-ka bishii sideedaad ee sanadkan ah.
Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn eeย xarunta gobalka Hiiraan, isagoo sooย gaarayย magaalada Muqdisho.
07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaanย geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaanย qeybta 27-aadย ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.
10k- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ย muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana sedaxย cisha kadib loo ballamay in loo fariista Maxkamadeynta Sedaxda ย eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.
Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaacca iyo eedeynta eedeysanayaasha.
Xeer Ilaalinta ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday in ay ahaayeen kuwa ku tala gal ah, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasha lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyahaย Ciidamada Qalabka Side.
Qareenada u doodayย eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireenย howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxa ay weydiisteen garsoorka in loo naxariistoย halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka ooย dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.
Garsoorayaasha ayaa ugu dambeynย goโaan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali laguย raacoย xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuumย iyoย qarashka ku baxay sedax dhibane ee uu dhaawaca sooย gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uuย u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeybย galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Side.

