Shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo dib u bilaabaysa duulimaadkeedii Soomaaliya.

Date:

Adis Ababa-(SNTV)- Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia ayaa maanta shaaca ka qaaday in bisha November soo socota 2-eda ay shirkadu dib u bilaabeyso duulimaadkeedii khadka Adis-Ababa iyo Muqdisho kadib markii duulimaadkan uu go’ay  muddo haatan laga joogo 41 sano ah ka hor, wuxuuna sheegay in sabtidii aynu soo dhaafnay ay shirkada duulimaadkii u horeeyay ee ganacsi ah ka sameysay Adis-Ababa iyo Muqdisho.

Warkan oo Wakaalada Anadol ay kasoo xigatay Idaacadda ay Maamusho Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Fana ayaa intaa raaciyay in dib u soo celinta duulimaadka rayidka ee labada dal Soomaalia iyo Ethiopia ay door weyn ka ciyaarayso sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ee deriska ah gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka.

Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia wuxuu tilmaamay in soo celinta duulimaadkan ay faa’iido weyn u keenayso Soomaalida dibbadaha ku nool gaar ahaan wadamada Mareykanka,Yurub,Asia iyo Bariga Dhexe oo ay u sahleyso sidii ay Somalia u soo booqan lahaayeen iyagoo soo raacaya shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo uu sheegay inay duulimaad ku sameyso 116 dal oo caalamka ka titsan.

Dhanka kale Masuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia ayaa cadeeyay in  duulimaadkan uu noqon doono mid toos ah oo Todobaadkiiba Sedex mar ay Diyaaradu ku imaanayso Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...