Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika

Date:

Muqdisho (SNTV);- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay, waxa uuna dawladda Ingriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Harriett Baldwin ayaa ku ammaantay dawladda guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa ayna ku celisay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga, doorashooyinka, iyo horumarka dhaqaalaha si loogu gogol xaaro hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaala dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...