Kulan looga hadlay xoojinta Nabadgelyada Caasimadda oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Taliyeyaasha ciidanka booliska iyo Guddiga abaabulka wacyigelinta Qaran, kaasi oo looga hadlay xoojinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay 3,000 saddex kun oo askari, kuwaasi oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan Nabadgelyada Degmooyinka, isla markaana lagu soo kordhiyay Degmooyinka, si ay u xaqiijiyaan amniga caasimadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka  Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in wadashaqeyn la’aanta ay tahay tan ugu badan ee dhibaatada ka soo gaarto shacabka, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in markale ay dhacdo wada shaqeyn la’aan dhex marta Maamulada degmooyinka iyo taliyeesha saldhigyada booliska.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng, Yariisow) ayaa kula dar daarmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska inay xoojiyaan la shaqeynta Guddoomiyeyaasha Waaxyaha ilaa iyo heer tabeelle ee Degmooyinka, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.

Wasiirka Amniga ee Xumuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in mas’uul kasto lagula xisaabta tami doona shaqadiisa ee dhanka ammaanka magaalada, isla markaana aan cidna lagala gorgortami doonin sugidda Nabadgelyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...