Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka digay in la dhisto dhulka ciidanka

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo ka hadlayey Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay qabaan walaac ku aaddan in ay socdaan isku dayo lagu boobayo dhulalka deegaanka u ah ciidanka ee ku yaalo qaar ka mid ah Gobollada dalka, waxa uu ka digay arrintaas, hasa yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in sannadka soo socda ee 2019-ka qorshaha uu ugu jiro in ay dhisaan 6 Xero ciidan oo si wanaagsan loo diyaariyey.

Tababarrada ciidanka Xoogga dalka ayaa loo sameeyey hal Manhaj oo mideeyey tababarrada ay waddamada saaxiibada ah ka caawiyaan ciidanka Malateriga Soomaaliya, taasi oo fursad weyn u ah dib u dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Si Nabad iyo horumar weyn loo gaaro  waa in xasillooni ay helaan dadka  iyo deegaanka Soomaaliyeed, taasina ay gacanta ugu jirto sida ay shacabka uga go’an tahay in ay si ficil ah uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Xoogga Dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...