Wasiirka Caddaalada XFS oo soo xiray tabbabar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta

Date:

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Caddaalada ee Xukuumadda FS ayaa galabta soo xiray tabbabar ku saabsan sare u qaadista ilaalinta xaquuqda carruurta.

Tababarka oo socday labo maalin ayaa loo qabtay qaar ka mid ah howl wadeenada hay’adaha caddaalada, waxaana looga hadlay sare u qaadisata ilaalinta xaquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Yaxye  Maxamuud Siciid oo u hadlay shaqaalaha ka socday hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka ee tabbabarka qaatay ayaa sheegay in tabbabarka laga faa’iidey waxbadan.

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa u sheegay ka qayb galayaasha in ilaalinta xaquuqda carruurta ay tahay muhiimad weyn, isla markaana Wasaaraddu badin doonto tabbabarada noocaani oo kale ah, si loo sii xoojiyo ilaalinta xuuuqda carruurta Soomaaliyeed.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Haweenka iyo hormarinta xaquuqul insaanka dalku saxiixday heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay, waxaana Dowladda Soomaaliya muddooyinkii dambe ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa hay’adaha garsoorka dalka iyo ilaalinta xaquuqda Aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...