Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Daraasad lagu soo bandhigay Kalsoonida Shacabka..

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey Cilmi baaris laga sameeyey Kalsoonida Shacabka ay ku qabaan waxqabadka dawladda Soomaaliya.

Cilmi baaristaan ayaa diiradda waxaa lagu saaray Waxqabadka Hay’addaha kala duwan ee dawladda ee dhinacyadda arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, iyaddoo Natiijada Cilmi baarista lagu sheegay in tirada ugu badan ee dadka su’aalaha la weydiiyey ay qireen in  dawladda ay ku socoto Wadada Horumarka.

C/risaaq Maxamed Aadan  oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baaristaan sameysay ayaa sheegay in cilmi baarista laga sameeyey gobolada Soomaaliya, isaggoo xusay inay soo arruuriyeen aragtida 1,500 oo qof oo ay wax ka weydiiyeen arrimaha amniga,  dhaqaalaha dalka iyo kalsoonida Shacabka ay ku qabaan hay’addaha dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay inay so dhaweynayaan cilmi baaristaan, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay qireen in dawladda Soomaaliya ay jiho sax ah ay ku socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...